golis

Muuse Biixi oo u Hambalyeeyay Hoggaanka Cusub ee Xisbiga DDS ee Itoobiyaa

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray hoggaanka cusub ee Xisbiga Dimuquraadiga Soomaaliyeed ee dowlad degaanka Soomaaliyeed, kaasi oo lagu doortay shirweynaha 10aad oo ka dhacay magaalada Jigjiga lagu doortay hoggaan cusub ee Xisbiga SDP.

Xubnaha xisbiga SDP ayaa sidoo kale waxay gudoomiye ku xigeen u doorteen madaxweynaha dowlad degaanka Mustafe Muxumed Cumar iyo xubnaha kale ee xisbigaaasi.

“Madxweynuhu wuxuu ku bogaadinayaa dawladda federaalka itoobiya iyo xisbiga talada dalkaasi gacanta ku haya ee EPRDF, ee uu qaybta ka yahay xisbiga SDP sida dimuqraadiyada iyo bisaylka xisbinnimo ka muuqato ee uu ugu dhamaaday shirkaasi, taasoo ka turjumaysa talo wadaaga, kala danbaynta iyo jiritaanka xisbinimo ee geeska afrika, waxaanu madaxweynuhu si gaara ugu hambalyaynayaa horumarka iyo guusha xisbiga dawlad deegaanka Soomaalida ee SDP uu ka gaadhay doorashadaasi” sidaas waxaa yiri afhayeenka madaxtooyada Somaliland.

” madxweynuhu wuxuu u rajeeyey gudoomiyaha, gudoomiye ku xigeenka iyo xubnaha kaleba in Alle u fudaydiyo hawlaha xisbiga Dawlad deegaanka Soomaalida oo aynu wadaagno xidhiidh soo jireen ah oo ku dhisan walaaltinimo, deris wanaag iskaashi, ganacsi iyo isu socodka labada bulsho ee walaalaha ah”


Gabagabadii, Afhayeenku wuxuu sheegay in Somaliland ay soo dhawaynayso horumarka dimuquraadiyada xisbiyada ee ay ku tallaabsatay Dawladda federaalka Itoobiya, gaar ahaan kan deegaanka Soomaalida.

Dhinaca kale, Shirweynaha xisbiga degaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka qaybgalay Ra’isul Wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed.

HORSEEDMEDIA 2019