golis

Maamulka Koonfur galbeed oo soo saaray amar lagu hakinayo shaqooyinka xisbiyada

Wasaaradda arimaha gudaha ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warsaxaafadeed lagu hakinayo shaqooyinkii ay xisbiyada ka jira dalka kawadeen deegaanada maamulkan.

Warsaxafaadeedka ay soo saartay wasaaradda arimaha gudaha ayaa lagu wargeliyay in dhamaaan ururada iyo xisbiyada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay dib u dhigaan shaqooyinkii ay qorshaynayeen in ay ka fuliyaan deegaanada Koonfur galbeed sababo la xiriira soo saarista xeer gaar ah oo faahfaahinaya qaabka iyo hab dhismeedka xisbiyada oo aan lasoo saarin.

Sidoo kale qoraalka warsaxaafadeedka ah ayaa lagu sheegay in Koonfur galbeed ay ku faraxsan tahay isla markaana taageerayso dadaalada hanaanka xisbiyada badan oo la doonayo in doorasho qof iyo cod dalka looga hirgeliyo.

Si kastaba Puntland ayaa horey sidan oo kale u hakisay howlihii ay xisbiyada ka jira Soomaaliya ay kawadeen deegaanada Puntland sababo la xiriira maqnaanshaha shuruucihii hagi lahaa xisbiyada.

Horseed Media 2019