golis

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Taliyayaal ciidan

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta magacaabay taliyayaal ciidan oo kamid noqonaya maamulkiisa.

Digreetada kasoo baxday xafiiskiisa ayuu madaxweynaha Koonfur galbeed ku magacaabay taliyaha ciidanka Daraawiishta Koonfur galbeed xilkaas oo u Magacaabey Yoonis Aadan Xasan halka ku xigeenkana uu u magacaabay Cabdulle Isaaq Ibraahim.

Sidoo kale madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa digreetada uu soo saaray ku magacaabay Taliyaha hawlgelinta ciidanka Koonfur galbeed una magacaabay Aadan Maxamed Yarow.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ayaa dhinaca kale waxa uu Xasan Cabdinuur Aadan u magacaabay xilka Taliyaha Gaadiidka Ciidanka Daraawiishta ee dowlad goboleedka KG.

Horseed Media 2019