golis

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wefdi ka socda dowladda Jarmalka-Sawiro

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ka socda dalka Jarmalka oo ay hoggaaminayso safiirka waddanka Jarmalka u fadhida dalalka Kenya iyo Soomaaliya Ambassador Annett Günther, islamrkaana uu wehelinayo ku-xigeenkeedu, Mr. Markus Bollmohr.

Kulankan uu madaxweyne Biixi la yeeshay weftiga ka socda dalka Jarmalkaa oo ay ku wehelinayeen wasiirrada arrrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka Somaliland iyo Jarmalka ka dhexeeya.

Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa dardargelinta iyo kordhinta deeqaha uu jarmalku siiyo Somaliland, ka midho dhalinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Jarmalku ka waddo gudaha Somaliland ee ay kamidka yihiin waddooyinka iyo Biyaha.

Arrimaha doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda, xoojinta xiriirka Somaliland iyo Jarmalka, waxbarashada iyo kalluumaysiga, ayaa iyaguna kamid ahaa waxyaabihii laga wada hadlay, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is fahan buuxa iyo guul sida ay shaacisay madaxtooyada Somaliland.

Booqashada safiirka Jarmalka u qaabilsan Somaliland ay ku tagtay magaalada Hargaysa ayaa kusoo beegmaysa iyadoo shalay safiiraddan ay booqasho tan lamid ah ku tagtay magaalada garoowe ee caasimadda Puntland oo ay kulamo kula soo qaadatay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi deni.

Horseed Media 2019