golis

Boqorka Sucuudiga oo Magacaabay Haweenaydii Ugu Horraysay oo Safiir ah.

Amiirad Reema Bintu Bandar Binu Suldaan oo oo ka tirsan qoyska boqorootyada Sucuudiga ayaa noqotay haweenaydii u horraysay ee Safiir noqoto, waxaana loo magacaabay safiirka Sucuudiga ee Dalka Maraykanka

Safiirka cusub ayaa lagu hor dhaariyay boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, iyadoo ku dhaaratay inay daacad ugu shaqaynayso wadanka iyo Boqorka.

Amiirada ayaa intii badnayd nolosheeda waxay ku noolayd dalka Maraykanka iyadoo la noolayd Aabaheed Bandar Bin Suldaan oo muddo dheer ahaa safiirka Sucuudiga ee dalkaasi Marakaykanka. Waxa ay ka qalanjabisay Jaamacada George Washington.

Ka hor intaan loo magacaabin Safiir, waxa ay labadii sanno ee la soo dhaafay Agaasime ku-xigeen ka ahayd Hay’adda Ciyaaraha ee Dalkaasi, gaar ahaa dhinaca arrimaha haweenka.

Dhinaca kale, Boqorku wuxuu Safiirka Sucuudiga ee UK u magacaabay Khaalid Ibnu Beder oo la dhashay Reema. Wadamada Austria, Cameroon iyo Qubrus ayuu sidoo kale boqorku u magacaabay safiiro.

Waa markii ugu horeysay taariikhda oo dowlada Sucuudigu ay xil sare u magacowd qof dumar ah. Dhaxal Sugaha boqortooyada Maxamed Binu Salmaan ayaa mudo dheer u ololaynayay in haweenka laga qaybgaliyo siyaasadda dalkaasi.

HORSEEDMEDIA 2019