golis

Wasiir Goodax Barre oo u Hanjabay Dowladda, Waalidiinta iyo Ardayda Puntland [DAAWO]

Wasiirka waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax barre oo telefishanka dowladda federaalka marti u ahaa ayaa arrin laga xumaado ku tilmaamay in maamulka Puntland uu ka baaqsaday inuu ka qaybgalo Imtixaanka shahaadiga ee wasaaradda waxbarashada federaalka.

Wuxuu uga diga waalidiinta iyo ardayda dugsiyada sare iyo dhexe ee Puntland cawaaqibka ka dhalan karaa haddii ayan ka qaybgalin imtixaanaadka ay wado dowladda Federaalku.

“Sida ay noo sheegeen Puntland uma diyaarsana inay ka qaybgalaan, runtii waa nasiib darro, Puntland iyo wasaaradda dood dheer ayaa u dhaxeysay, waxaan moodayay in sanadkii hore xal lag gaaray, haddana meeshii ay Puntland taagan tahay oo ah inaysan imtixaanka guud ka qaybgalin”

” Shakhsiyan waxaan doonaya inaan uga digo walidiinta iyo ardayda Puntland khatarta ay leedahay arrintaasi. Xaq ma aha in arday imtixaankii galay iyo mid aana war u hayn in shahaado la wada siiyo” Sidaas waxaa yiri Wasiir Goodax bare

Dhinaca kale, Wasiirka waxbarashadu waxa uu sheegay in Sanadkan ay ka qaybgalayaan imtixaanka Shahaadiga ah 33 Kun oo Arday, kuwasoo intooda badan ka imaanaya magaaladda Muqdisho, waxaa kaloo uu sheegay in 11 bisha May la qaban doono imtixaanka.

HORSEEDMEDIA 2019