golis

Bariga Dhexe: Eegmo- siyaasadeed oo cusub?

oped

This post reflects the opinions of the author and not necessarily those of Horseed Media as a publication.


Waxaan is-iraahdaa, tolow, ma la gaaray wakhtigii laga fakiri lahaa in mar qur ah la wada aqoonsado dawladaha Falastiin iyo Israel, loona aqoonsado laba dal oo jaar ah, is-agyaal, nabadna ku wada nool! Dalal badan oo adduunka ah baa Israel iyo Falastiinba la leh xiriir oo waddadaas maray. Waddamadaas waxaa ka mid ah dalal Carbeed, sida Masar iyo Jordan. Dalal kale oo Carbeed, iyana, waxay Israel la leeyihiin xiriir aan gaarsiisneyn heer dibolomaasiyadeed, sida Qatar, Morocco. Kuwo kale xirrir aan la shaacin baa u dhexeeya, sida Sacuudiga, Imaaraadka. Waddammadaas Carbeed dhammaantood waxay sidaasi u yeeleen iyaga oo eegaya danahooda gaarka ah. 

Soomaaliya inay iyaana sidaasi oo kale yeeshaa oo danaheeda gaarka ah raacato wax ka mamnuucaya la ma arko. Waxaa kaloo u baahan in hoosta laga xarriiqo siyaasaddii Bariga Dhexe wax weyn baa iska beddelay, maalin walbana iska beddelaya oo waxaa suuragal ah inay dhashaan is-bahaysiyo-siyaasadeed oo cusub. Waxaa mar laga shanqariyey in dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudigu Maxamed Bin Salman (SMB) uu safar aan la sii-sheegin ku tagey Israa’iil ama xiriir dhaw la leh dawladda Israa’iil! 


Dawladda Israel waa dal juqraafi-ahaan iyo muuqaal-ahaanba aad u yar, dadkiisuna aanu badneyn. Waxaa lagu qiyaasaa ilaa lix milyan. Hayeeshee, haddana, dalkaasi wuxuu leeyahay saameyn iyo miisaan-siyaasadeed oo aan la dhayalsan karin. Saamaeyntaasi waxay inta badan ka timaaddaa dadka Yuhuudda ee dalalka dibedda ah ku nool (diaspora), gaar ahaan, Reer Galbeedka. Dadkaasi waxay si xoog ah u joogaan, sidaan  sheegay, dalalka Reer Galbeedka, siyaasadaha Reer Galbeedkana aad bey u saameeyaan waayo waa dad isku xiran, aad wax u barta, galangal-siyaasadeed leh, dhaqaale-ahaan ladan, miidiyaha (media) iyo qalabka warbaahintana si lixaad leh uga dhex-muuqda. Haddii aan tusaale-ahaan u soo qaato dalka Maraykanka waxaa ku nool dad lagu qiyaasay lix-milyan; dadkaasi tixgelin weyn bey ku dhex-leeyihiin bulshada Maraykanka iyo siyaasadahooda intaba. Taas ruuxii dood ka qaba, waxay ahayd inuu dhegeysto khudbaddii Madaxweyne-xigeen Mike Pence ka akhriyeye shirweynaha AIPAC ee dhawaan la soo gabagabeeyey. Saameyntaasi aadka u buuran waxay si cad u muuqtay markii bishii March 2015kii, kolkii Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Binyamiin Natanyahu hortagey  kulanka labada Aqal ee Wakiillada. Khudbad dheer oo uu ka-hor-jeediyey, waxaa loo istaagey oo loo sacabbo-tumay (standing ovation) 29 jeer! 

Haddii aan taariikhda yarehe dib ugu noqdo, Soomaaliya muddo badan, weliba intii dawladdii Kacaanku jirtey, siyaasaddeeda dibedda waxay ahayd mid si adag uga soo horjeedda mawqifka waddamada Reer Galbeedka ah, gaar ahaan, kolka la eego arrinta muddada soo-jiitameysey ee Bariga Dhexe, una dhexeysa Carabta iyo Israa’iil. Tusaalaha, aan is-leeyahay waa ugu ba’naa waxay ahayd qaraarkii Qarammada Midoobay la mariyey bishii Nofembar 10, 1975 ee tirsigiisu ahaa 3379 (inkastoo markii dambe laga laabtay) kuna saabsanaa, liddina ku ahaa dawladda Israa’iil, qaraarkaasoo simay ama isku mid ka dhigay sahyuuniyadda iyo midab-kala-sooca (Zionism is equal to Racism). Qaraarka keli kuma aannan ahayn oo waxaa taageersanaa dawlado badan oo kala duwan: Carabta, Afrikaanka, dhammaan dalalkii Bariga ee raacsanaa Midowgii Soofiyeeti. Wuxuu ahaa, sidaas darteed, qaraar taageero xoog leh haysta. Arrinta la yaabka leh waxay ahayd, hayeeshee, in Soomaaliya loo wakiishay inay soo jeediso iyadoo dawlado ka xoog badan, kana waaweyn oo cid walba leh ay safka ku jireen! Dawladaha Reer Galbeedku iyo dad badan oo madax u ahaa waagaas, sida Henry Kissinger, aad bey uga caroodeen. Ogow, Mr. Kissinger mar wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka (1973-1977), marna isaga qudhiisu waa Yahuudda Maraykanka! Annaga oo dawlad yar ah ayaan waxaan dhexgallay oo dhex-muquurannay  ciyaar-siyaasadeed qiimaheedu sareeyo oo aannaan ka bixi karin! 

Siyaasaddaasi ku aaddan Israa’iil waa inay is-beddeshaa oo xaaladda jirta iyo waaqica jira lagu saleeyaa. Maanta Soomaaliyi xaalad adag bey dhex-dabaalaneysaa dhan walba. Dhanka kale, maanta waxaa Soomaaliya gacanta ku haya Maraykan, UK iyo wixii la hal-maala. Markaasi sidee bey suuragal u noqoneysaa in Maraykan la miciinsado, saaxiibkooda ugu dhawna laga fogaado oo la faquuqo! Wakhtiga, sida iyo qaabka arrintaasi loo galayo ama loo maareynayo waxay u taal dawladda Soomaalida, waxase muhimka ah waxa weeye in cadaawadda dawladaha waaweyn la iska mooso intii suuragal ah.

Qore: Cabdisalaan Biligsey

Emila; biligsey2005@gmail.com

HORSEEDMEDIA 2019