golis

GAROOWE-Faysal Rooble oo Mar kale Ka Hadlay Shareecada Islaamka iyo Dowladnimada[ DAAWO]

Faysal Cabdi Rooble oo ah aqoonyahan iyo fallanqeeye arrimaha Soomaaliya iyo geeska Afrika oo xalay ka qaybgalay dood aqooneed furan oo looga hadlayay nidaamka Federaalka ayaa mar kale hadlay shareecada islaamka iyo dowladnimada.

Aqoonyahan Faysal Rooble oo khudbad ka jeedinaya Doodii PDRC Talk ee Garoowe
SAWIRKA: Omar/Horseedmedia

Faysal rooble oo ka jawaabayay su’aal la waydiiyay oo ku saabsanayd hadal muran badan dhaliyay oo uu xili hore ka jeediyay dalka Maraykanka, kaasi oo ahaa in Shareecada Islaamka ay Soomaalidu isku xukunto iyo inkale, ayaa sheegay in hadalkaasi qayb yar laga soo jaray oo shacabka lala wadaagin isagoo dhamaystiran.

” Su’aasha mid yaroo aan u malaynayo kuwa buuraha gala dabasocda, dhowr shir oo aan imidna meelahaa iska taagay ayaa su’aashaas i waydiiyay” ayu yiri

Waxa uu sheegay inuu xiligaas uu ka sheekeeyay dhaqdhaqaaqyadii Islaamiga ah ee ka hanaqaaday geeska afrika isagoo tusaasle u soo qaatay halgankii Sayid Axmed Guray iyo Sayid maxamed Cabdulle Xasan, kuwasoo oo uu sheegay inay diinta Islaamka ay nuxur u ahayd.

HALKAN KA DAAWO HADALKIISII XALAY

HORSEEDMEDIA 2019