golis

Maxay ka wada Hadleen Safiirka Maraykanka iyo Madaxda Maamul goboleedyada

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto ayaa magaaladda Nairobi kula kulmay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland , Jubaland iyo Galmudug

Warsaxafadeed ka soo baxday madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Kulanka ka dhacay Nairobi looga wadahadlay arrimaha Amaanka, Federaaliisamka, Dimuqraadiyeynta, maalgashiga , la dagaalanka argagixisada iyo Guud ahaan mashaariicda horumarineed ee dowladda Maraykanku ka caawiso Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ambassador Donald Yamamoto ayaa xusay in Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, gaar ahaan Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay waxbadan oo horumar ah ka hirgeliyeen deegaanadooda, gaar ahaan xasiloonida, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha amniga iyo nabadda, waxaana uu safiirku xaqiijiyey inay diyaar u yihiin wada shaqayn dhaba oo taabagasha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dowladda Maraykanka uga mahadnaqay taageerada balaadhan ee ay Puntland ka siiso la-dagaalanka Argagixisada iyo tababarida ciidamada, isla mar’ahaantaana Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey kulankan muhiimka ah uu la qaatay Ambassador Yamamoto.

Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ay shir saddex geesood ah waxay ku yeesheen caasimadda Nairobi. Sidoo kale, waxaa magaaladda Nairobi shir ku yeeshay Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah ururada siyaasada ee Muqdisho ka jira.

HORSEEDMEDIA 2019