golis

Baardheere: Miinooyin Lagu Aasay Goobo dadku Badan yihiin oo la Soo saaray


Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA iyo kuwa Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen inay ku guulaysteen inay soo saaraan Miino Al-shabaab ay ku aaseen goobo ku yaalla degmada Baardheere ee Gobolka Gad.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Degmada Baardheere Mudane Axmed Garab Gooye ayaa sheegay in Miinada ay soo saareen la doonayay in dadka shacabka ah ee ku dhaqan Baardheere lagu dhibaateeyo,isla markaana lagu raad joogo ragii dhigay miinada.

“Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ee Degmadda Baardheere ayaa miinadan xalay ka soo saaray goob ay ku aaseen Alshabaab iyagoo doonayay in ay dadka shacabka ah ku dhibaateyaan Taliyaha Ciidanka Hay’adda Nabad sugida Degmada Baardheere Captain Axmed Garab gooye ayaa sheegay in lagu raad joogo ragii dhigay miinadan”ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska nabadsugidda Jubbaland.

Ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira dowladda Federaalka iyo mamaulada dalka jira ayaa ka howlgal degaamo badan oo ka tirsan goboladda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

HORSEEDMEDIA 2019