golis

Muuse oo Xaalad Deg Deg ah ku Soo Rogay Saddex Degmo [DAAWO]

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag, kuwsoo kala aha Ceerigaabo, Ceel Afweyn iyo Gar-adag muddo saddex bilood ah.

Xaalad deg-deg ah ee uu soo rogay ayuu ku sababeeyay marku arkay dhibaatada colaadeed ee ka jirta degmooyinkaasi taasi oo uu sheegay in ay halis galin karot nabad-gelyada guud, jiritaanka Somaliland.

Go’aanka madaxweynuhu wuxuu Ciidammada Somaliland ee kala duwan uu awood u siinayaa in ay qaadaan tallaabo kasta oo ay ku sugayaan amniga, kagana hor-tagayaan cid kasta oo ku kacaysa ama u muuqata in ay fulinayso falal nabad-gelyo darro. Sidoo kalena ay la wareegaan maamulka degaamadaasi.

Xaalada deg deg ah ee Muuse biixi uu soo rogay ayaa imaanaysa iyadoo shalay degaanka Yagoori ee Sool lagu dilay Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta iyo Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag.

Halkan ka akhriso Xeerka Xaalada deg deg ah.

Waxaanu u dhignaa xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 04/042019

Xaalad Deg-deg ah

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad;

Markaan Arkay: Dhibaatada Colaadeed ee Ka Jirta Degmooyin Ka Mid ah Gobolka Sanaag oo Halis Galin Karta Nabad-gelyada Guud, Jiritaanka Qaranka iyo Dastuurka Dalka;

Markaan Arkay: Nabad-gelyo Darrada Ku Soo Noq-noqotay Degmooyinkaa Gobolka Sanaag oo Xukuumadda iyo Qaybaha Kala Duwan ee Bulshaduba ay Dadaallo Naf iyo Maalba Leh Ka Galeen;

Markaan Arkay: In ay Tahay Waajib Qaran in Xukuumaddu Qaado Tallaabo adag oo Lagu Joojinayo Khataraha Amni-darro, Si Loo Sugo Nabad-gelyada, Loona Bad-baadiyo Nafaha iyo Hantida Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan La Sameeyey La-tashi Shir-guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka JSL (Guurtida iyo Wakiillada) iyo Guddida Guud ee Nabad-gelyada Qaranka; 

Waxaan Go’aamiyey;

Qodobka 1aad. Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency) 

1) In Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency) lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, muddo saddex bilood ah. 
Qodobka 2aad. Tallaabooyinka Sugidda Amniga 

1) In Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee kala duwan ay qaadaan tallaabo kasta oo ay ku sugayaan amniga, kagana hor-tagayaan cid kasta oo ku kacaysa ama u muuqata in ay fulinayso falal nabad-gelyo darro.

Qodobka 3aad. Maamulka iyo Go’aammada Muddada Xaaladda Deg-dega ah 

1) In Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland la wareego dhammaan maamulka iyo go’aammada lagu sugayo amniga, laguna joojinayo khataraha nabad-gelyo darro. 

Sidaa darteed, xeerkan waxan u gudbiyey golaha baarlamaanka ee guurtida iyo wakiilada, waxaanan idinka rajaynayaa in aad ka gudan doontaan waajibaadkiina dastuuriga ah, si waafaqsan Qodobka 92aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH 
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

HORSEEDMEDIA 2019