golis

USA: Maxkamada Xukuntay Askari Soomali ah oo dilay haweenay u dhalatay Australia

Xeer beegto loo saaray kiiskan ayaa Salaasadii xukuntay Askari Maxamed Nuur oo ah Soomaali kaasi oo dilay haweenay u dhalatay dalka Asutralia sanadkii 2017.

Kiiskan oo soo socday sanadihii lasoo dhaafay ayaa maxkamadeyntiisa ahayd mid si weyn ay uga hadaleysay warbaahinta Maraykanka, Maxamed Nuur ayaa noqonaya askarigii ugu horeeyey oo lagu xukumo dil uu geystay gobalka Minnesota oo ay horey uga dhaceen dilal badan oo ay Booliiska u geysteen shacab aan hubeysneyn.

Maxamed Nuur ayaa rasaas ku furay haweenayda lagu magacaabi jiray Justine Damond, oo ahayd 40 sano jir u dhalatay dalka Australia, haweenaydaasi ayaa iyadu u yeeratay Booliiska iyadoo sheegtay in gurigeeda hortiisa uu ka dhacayey fal danbiyeed, balse booliiska ayaa markii ay goobta yimaadeen xabad ku riday haweenaydan oo ay ka shakiyeen.

Askari Nuur ayaa ku dooday in si kama’ah u riday xabada kadib markii haweenaydan si kadis ah uga soo booday gaarigood.

Xeer beegtada loo saaray kiiskan ayaa sheegay in Askariga si khaldan ku dilay haweenaydaasi, isla markaana laalay dooda Qareenka difaaca, waxaana lagu wadaa in 7da bisha June lagu dhawaaqo sanadaha xabsiga lagu heyn doono askarigan la maxkamadeeyey.

Kooxaha u dooda xaquuqda dadka madow ayaa horey u sheegi jiray in inta badan Booliiska cadaanka ah ee sida khaldan u dila dadka madowga ah aan maxkamada lasoo taagin, balse Maxamed Nuur oo isagu ah nin madow ayaa noqonaya askarigii ugu horeeyey oo loo xiro dilka haweenay cadaan ah.

Horseed Media