golis

Ururada Bulshada rayidka Puntland oo Baaq Ka Soo Saaray Shirka Wadatashiga ee Garoowe.

Dallada ay ku midaysan yihiin ururada bulshada rayidka  Puntland ee PUSAA ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo dowladxubineedyada ee ku sugan caasimadda Garoowe in heshiis rasmi ah laga gaaro dhaamaan waxyaabaha lagu kala aragti duwan yahay.

Guddoomiyaha PUNSAA Faysal Axmed Warsame

Baaqa ay soo saareen ururadda bulshada rayidka ah oo uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha PUNSAA Faysal Axmed Warsame waxay tallo ahaan  u soo jeediyeen lix qodob oo ay sheegeen in ahmiyada gaar ah u leeyihiins shacabka Soomaaliyeed.

  1. Xeerka doorashada ee sanadka 2020/2021
  2. Dhammaystirka Dastuurka
  3. Nooca uu noqonayo habka caddaaladda
  4. Qaybsiga khayraadka “ Resource sharing”
  5. Qaybsiga awoodaha” Power sharing”
  6. Amniga Qaranka

Shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo dowlad xubineedyada oo uu ku baaqay madaxweynaha Puntland waxaa la filayaa in maalinta beri ah uu ka furmo caasimadda Garoowe, inkastoo aan weli shaacin Ajendaha looga hadli doono shirkaas.

HORSEEDMEDIA 2019