golis

Xeer Ilaalinta Puntland: 3 Eedaysane ayaanu Cadaymo Buuxda Ka Haynaa Kiiska Caa’isha- DAAWO

Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xareed Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saddex ka mid ah tobankii eedaysane ee maanta la horkeenay maxkamada uu xafiiska xeer ilaalintu cadaymo buuxa uu ku hayo.

Wuxuu sheegay in Dheecaano laga qaaday eedaysanayaasha oo lagu baaray shaybaarka baaritaanka dambiyada ee dowladda ee Garoowe ay muujinayaan inay yihiin tuhmanayaasha 1aad, 2aad iyo saddexaad

” Saddex Eedaysanayaal oo shaybaarka baaritaanka dambiyada dheecaanadii uu ka qaaday oo cadaymo buuxa lagu hayo, Eedaysana 1aad iyo saddexaad oo labo walaalo ah iyo Eedaysana labaad, ayaanu ka dhignay qaybta kowaad.

Kiiska dacwada dilka iyo kufsiga ee loo gaystay Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 13 jir ayaa dib loo dhigay muddo todobaad ah ka dib markii ay sidaas codsadeen qareenada u doodaya eedaysanayaasha.

Dhinaca kale, Xafiiska xeer ilaalintu wuxuu soo oogay toddobo eedaymood oo ay sheegeen inay galeen rag lagu ku eedaysan dilkii iyo kufsigii loo gaystay Caa’isho Ilyaas Aadan

HORSEEDMEDIA 2019