golis

Khayre iyo Xaaf oo Kullan Gaar ah Ku Yeeshay Garoowe [SAWIRRO]

Guriga uu ka degan yahay magaaladda Garoowe Ra’isul wasaaraha xukuumada Federaalka Xasan Cali khayre waxaa xalay ka dhacay kullan ay wada yeesheen ra’isul wasaaraha iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Kullan doceedkan ay wada yeesheen labada masuul ayaa looga wadahadlay tabashada maamulka Galmudug ee dhinaca dowladda federaalka iyo khilaafaadka ka dhex jira Galmudug gudihiisa, waxaa kaloo lagaga hadlay shirka wadatashiga ee maanta ka furmaya caasimadda Garoowe.

Ra’iisul Wasaare @HassanAKhaire ayaa caawa hoyga uu ka deggan yahay magaalada Garowe kulan kula qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”#NabadIyoNolol #TubahaQaranka pic.twitter.com/hJEzwABfGJ— SomaliPM (@SomaliPM) May 4, 2019

Maamulka Galmudug waxaa hareeyay khilaaf ba’aan oo u dhexeeya madaxweynaha iyo culumada Ahlu sunnah oo isku dhinac ah iyo Madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha barlamaanka oo isku dhinac oo taageero ka haysta xukuumada federaalka ee Muqdisho.

Kulanka ayaa i muuqda mid uu Ra’isul wasaaruhu ku doonayo inuu heshiis la gaaro madaxweynaha Galmudug, ka hor shirka wadatashiga ah ee uu ku baaqay madaxweynaha Puntland, kaasi oo lagaga hadli doono arrimo badan oo la xiriira dastuurka, amniga, Doorashooyinka, awooda qaybsiga iyo khayraadka dalka uu leeyahay.

HORSEEDMEDIA 2019