golis

Madaxweyne Farmaajo oo Furay shirka Wadatashiga Garoowe- SAWIRRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor-dhow  Magaalada Garoowe ka furay shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Xubineedyada dalka

Shirkan waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ,Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow).

Shirkani oo ay Martigelisey Dowladda Puntland ayaa arrimaha laga xaajoon doono waxaa ka mid ah khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, amniga, dasuurka, awood qaybsiga, Qaybsiga khayraadka dalka iyo doorashooyinka 2021.

HORSEEDMEDIA 2019