golis

Jubbaland oo Eedaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya [WAR-SAXAFADEED]

Jubbaland waxa ay ku eedaysay dowladda Federaalka ee Soomaaliyeed shaqaaqadii ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaaladda Kismaayo, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen saddex ka dib markii ay israsaaseeyeen ciidamada ammaanka iyo ilaalada Musharax Madaxweyne.

Warsaxafadeed uu soo saaray maamulkla Jubbaland wuxuu ku sheegay in dowladda federaalku ayka shaqaynayso khalkhal gelinta amniga Jubbaland

‘Dowlad goboleedka Jubbaland waxay masuuliyad ka saarantahay sugidda Amniga dalka iyo dadka reer Jubbaland , mana ogolaaneyso waxkasta oo carqalad ku ah kala danbeynta iyo nidaamka dowladnimo” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka

“Jubbaland waxay caddeynaysaa inay faragalin gurracan ku hayso hambsami u socodka hanaanka doorasho ee Jubbaland taas oo ay masuuliyadeeda qaadan doonto DFS fal kasta oo liddi ku ah amniga iyo dowladnimada Jubbaland”

Eedaynta ayaa imaanaysa iyadoo uu shirkii wadatashiga Garoowe ee u dhexeeyay madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu qarka u saaran yahay burbur, ka dib markii laga heshiin waayay Khilaafka u dhexeeyay dowladda Federaalka iyo Maamulada Galmudug iyo Jubbaland.

HORSEEDMEDIA 2019