golis

Somaliland: Marna Loo Dulqaadan Maayo dadka Ku Xadgudba Qaranimada.

Taliska ciidamada booliiska Somalilad ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta xili saqdhexe ah xabsiga loogu taxaabay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan gollaha wakiilada.

Xildhibaan Dhakool

Maxamed Liibaan Fooxle, Taliye ku xigeenka ciidanka  booliska Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Hargaysa, wuxuu sheegay in Xildhibaan Dhakool uu ku kacay falal lid ku ah qaranimada Soomaaliland.

“Xildhibaan Dhakool Wuxuu ku kacay falal liddi ku ah qaranimada Somaliland, kana hor yimid jiritaanka qaranka Somaliland, waxaana qabashadiisa loo cuskaday qodobada kala ah  49, 79, isagoo ku kacay falal kala qaybin bulshada Somaliland iyo kicinba ah, isagoo ka hor yimid mabaadiidii qaran ee ummada Somaliland iyago isku dhan wada jir ku go’aansadeen shirweynihii gooni isku taaga Somaliland ee magaalada Burco, ” ayuu yiri taliye Fooxle.

Xildhibaan Dhakool ayaa ku tilmaamay xuska Maalinta 18 may ay tahay maalin ay leedahay jabhadii SNM ee Taliska Siyaada barre la dirirtay oo aysan ahayn maalin Qaran.

Xildhibaan Dhakool oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa ciidamada Somaliland waxa xoog ku galeen gurigiisa magaaladda hargaysa Habeen hore saqdii dhexe, kadib xabsiga ayay u taxaabeen.

HORSEEDMEDIA 2019