golis

Galmudug: Shirkii Wadatashiga Garoowe waa Fashilmay [WARSAXAFADEED]

War-saxafadeed uu maamulka Galmudug uu xalay xili dambe soo saaray ayuu ku sheegay in Shirkii wadatashiga Garoowe ee 6 maalmood u socday madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada uu ku dhamaaday fashil.

Galmudug waxay masuuliyada fashilka shirka Garoowe dusha uga tuurtay madaxda sare ee dowladda Federaalka oo ay ku eedaysay inay xagal daaciyeen ajendayaashii masiiriga ah ee lagaga hadlayay shirka

” Ayadoo shirka wadatashiga Garoowe madlan tahay, ayaa dowladda federaalku qaaday tallaabooyin xagal daacin ku ah shirka iyo ajendayaashiisa u madlanaa sidatan: Sharciga doorashooyinka, batroolka iyo arrimaha dastuurka, waxaa kaloo kulankan lagu ballamay in dowladda Federaalku xaliso khilaafka kala dhexeeya maamulada Galmudug iyo Jubbaland, taasina ma dhicin” ayaa lagu yiri War-saxafadeedka Galmudug

Dhinaca kale, Ilaa iyo hadda ma jirto war ka soo baxay dhinacyadii kale ee ka qaybgalayay shirka Garoowe.

HORSEEDMEDIA 2019