golis

Madaxweyne Xaaf oo u Dhoofay Nairobi

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha G.Maxamed Abshir kadib markii uu sheegay inuu fashil ku idlaaday Shirkii Wadatashiga ee ka socdey caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Xaaf waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagtooiyay Senator C/raxmaan iyo Senator Juurile oo labaduba ka tirsan aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo saxaafada la hadlay waxaa uu sheegay inuu safar ku tegayo magaalada Nairobi ee Kiiniya, waxaana uu fashilka ku yimid shirkii Garoowe ku eedeeyay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Galmudug ayaa noqotay maamulkii u horreeyay ee warsaxafadeed ka soo saara shirkii wadatashiga Garoowe, kaasi oo ay sheen inuu fashil ku dhammaaday, iyagoo eedana dusha uga tuuray Dowladda Federalka Soomaaliya

HORSEEDMEDIDA 2019