Madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofay Garowe kadib shirkii fashilay

Published: May 12, 2019

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garowe oo uu asbuucii lasoo dhaafay u joogay wadahadalkii uu lalahaa Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka oo fashil kusoo dhamaaday.

Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa wafdiga Farmaajo kusii saagootiyey Madaarka Garowe, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa xalay casho sharaf u sameeyey wafuuda ku sugnaa Garowe.

Waxaase shalay ka dhoofay magaalada Garowe Raysalwasaaraha Federaalka Xassan Cali Khayre oo aan isagu la hadal saxaafada markii uu ka ambabaxayey Garowe iyo waliba markii uu gaaray Muqdisho.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug oo iyaguna subaxnimadii Sabtida ka duulay Garowe ayaa ku eedeeyey fashilka shirkii Garowe inay mas`uul ka yihiin Madaxda Dowlada Federaalka oo ay sheegeen inay diidaan inay wadahadal ka galaan arrimaha la isku hayey sida Nidaamka Doorashada 2020, Dhameystirka Dastuurka, Awood qeybsiga, khayraadka dalka iyo Deeqaha caalamiga ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *