golis

Saddex Nin oo Ku Eedaysnaa Dilkii iyo Kufsigii Caasho Ilyaaz oo la xukumay [DAAWO]

Maxkamada derejeda 1aad ee gobolka nugaal ayaa maanta go’aan ka gaartay 10 nin oo ku eedaysnaa kufsi iyo dil lagula kacay Caasho Ilyaas oo ahayd gabar yar 13 Jir ahayd. Falkan ayaa ka dhacay magaaladda Galkacayo 70 Maalmood ka hor

Saddex ka mid ah eedaysanayaashii loo haystay Dilka Caa’isha ayaa maxkamadu Dil toogasho ah ku xukuntay, sida uu maxkamada kaga dhawaaqay Guddoomiyaha maxkamada C/nuur jamac Xuseen.

Saddex Nin ayaa kala C/fitaax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige. Saddex nin ayaa xeer ilaalintu ku soo eedaysay inay kufsi wadareed gaysteen, kadibna ay dileen Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar aan qaangaarin. Waxaa kaloo lagu soo eedeeyay in sumcad xumo u keeneen dowladda Puntland, khalkhalna galiyee amniga guud Puntland.

Guddoomiyaha Maxkamada Derejeda Kowaad waxaa kaloo uu go’aamiyay in dowladda fulinta dilka toogashada ah ee Maxkamadu ku xukuntay Saddexda Nin.

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/658788497900980/

HORSEEDMEDIA 2019