golis

Wasaaradaha Maaliyada ee Dowlad Goboleedyada Oo Iskaashi Samaysatay.

Qaar ka mid ah wasaaradaha maaliyada ee dowladaha xubnaha ka aha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caasimadda Garoowe ku samaystay Iskaashi.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen ayay ku qaadaceen xeerka iyo shuruucda cashuuraha ee Wasaaradda maaliyaddu ay horgaysay barlamaanka federaalka Soomaaliya.

War-murtiyeedka waxay ku sheegeen in Wasiirka maaliyada Federaalka uusan kala tashan maamul goboleedyada dalka, xeerkaasi uu barlamaanka horgeeyay. xeerkaasi ayay sheegeen inuu so toos ah uga hor imaanayo dastuurka maamulada iyo hab fulinta xeerarka cashuuraha.

Caasimadda Garoowe waxaa haatan ku sugan madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed

Halkan ka akhriso War-murtiyeedka

HORSEEDMEDIA