golis

Hargaysa: Muuse Biixi iyo Safiirka Ingiriiska oo Kulmay

Safiirka Ingiriiska u fadhiyay Soomaaliya Amb. Ben Fender ayaa magaaladda Hargaysa oo uu safar gaaban ku tegay wuxuu la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Kulankaa Waxa lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen wadahadalada dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland, diyaar garawga iyo qabsoomida arrimaha doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka Somaliland, dardar-gelinta iyo kor u qaadida kaalmooyinka horumarineed ee dawladda Ingiriisku ku taageerto Somaliland

Waxaanu madaxweynuhu safiirka uga warbixiyay horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo dawladda Somaliland oo ah mid ay horeba uga markhaati kaceen caalamku.

Dhiniciisa waxa uu safiirku madaxweynaha ku bogaadiyey sida qiimaha leh ee uu u qaabilay iyo warbiximaha waafiga ah ee uu ka siiyey horumarka ay dal iyo dad ahaanba Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsadeen oo mudan in lagaga dayo.

HORSEEDMEDIA 2019