golis

Muuse Biixi oo Culumada ka Codsaday Inay La Shaqeeyaan Maamulkiisa

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo afur iyo casho u sameeyay culuma’udiinka Somaliland oo ka kala yimid magaalooyinka Waaweyne ayaa ka codsaday inay kala shaqeeyaan maamulkiisa sugida amnida iyo daminta waxa uu ugu yeeray Fidnada.

munsaabada Afurka iyo cashada oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ayaa waxaa ka qaybgalay gollaha wasiiradda, Guddoomiyaha xisbiga mucaraadka Faysal Waraabe iyo marti sharaf kale.

Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhegaha u raariciyo talooyinka ay iyo wanooyinka ay culimadu soo jeediyaan oo ay ugu horrayso dabbaqidda Diinta Islaamku, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Waxan dhigay halkii ay culimada waaweyni dhigeen, dardaarankiinniina waannu qaadannay oo ay kow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayoba dhinaca Diinta laga bilaabo oo Diinta la taageero oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga dalka si wada-jir ah loo ilaaliyo, ciddii khalkhal gelinaysa dalka xilkasta oo ay haysana in gacan bir ah lagu qabto.”

Dhinaca kale, madaxweynuhu shahaado-sharafyo guddoonsiiyey guddi culimo ah oo soo afmeeray diyaarinta iyo isku-dubba-ridka manhaj midaysan oo yeelan doonaan maddarasadaha kala duwan ee ka jira Somaliland.

HORSEEDMEDIA 2019