golis

Kormeerayaashii Imtixaanka Shahaadiga ee DF oo Ka Baxay Hirshabelle

Kadib markii uu madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Awaare uu amar ku bixiyay inay ka baxaan degaamadasii kormeerayaashii ka socday wasaaradda waxbarashada federaalka ee imtixaanka Shahaadiga ayaa maanta waxaa Jowhar ka baxay Kormeerayaashaas.

Kormeerayaashan ayaa muddo saddex maalmood ah waxay kormeerayeen imtixaankii dugsiga sare oo dowladda federaalku joojisay kadib markii maadooyin ka mid ah imtixaanaadka lagu faafiyay baraha bulshada. iyadoo joojinta imtixaankaasi ay ka dhalatay mudaharaadyo looga soo horjeedo wasaaradda waxbarshada iyo sida ay u maaraysay imtixaanka.

Sidoo kale, Kormeerayaasha ayaa ka baxay Magaalooyinka Beledweyne, Buulo Burde iyo Balcad oo dhammaantood hoos yimaada maamulka Hirshabelle.

Dhinaca kale, Maamulka Jubbaland oo degaamadiisa ay saamaysay imtixaankii shahaadiga ah ee la joojiyay ayaa guddi u xilsaaraya arrimaha imtixaankaasi oo la filayo in mar labaad la qabto 28 bishan May 2019.

Dhinaca kale, Maalinti beri ah oo ku beegan 18 May waxaa degaamada Puntland ka qabsoomi doonaa imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare iyo dhexe oo ay soo diyaarisay wasaarada waxbarashada Puntland.

HORSEEDMEDIA 2019