golis

Xuska 18 May:Muuse Biixi oo 500 Maxbuus Cafis Guud u Fidiyay

Madaxeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku cafis guud u fidiyay 517 maxbuus oo dambiyado fudud ku xukunaa.

Waregtada, wuxuu madaxweyne Muuse ku sheegay in isagoo tixgalinaya xuska Maalinta 18 May ee Somaliland ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteed kale, inuu cafiyay maxaabiistaas.

“Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiistaasi, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud” ayuu ku yiri wareegtada ka soo baxday xafiiska Muuse Biixi.

Maxaabiista la cafiyay kuma jiraan siyaasiyiin iyo suxufiyiin u xirxirnaa arrimo siyaasadeed oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Dhakool oo ka soo jeeda gobolka Sool oo xiran inuu ka hor yimid xuska 1 May iyo Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhaliili jiray maamulka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

HORSEEDMEDIA 2019