golis

Israel oo gantaalo ku tuurtay Dimishiq, Siiriya

Telefishinka dowlada Siiriya ayaa sheegay in xalay oo Jimce ahayd ay ciidamadooda soo rideen gantaalo lagu soo tuuray caasimada Siiriya ee Dimishiq.

Gantaaladan ayaa la sheegay in laga soo ganay dhulka Buuraleyda Golan oo ay Israel heysato, lama sheegin in wax khasaaro ah ka dhasheen duqeyntan.

Israel ayaa sidan horey u duqeyso saldhigyo militari oo ku yaal gudaha dalka Siiriya iyadoo sheegtay inay bartilmaameed ka dhiganeyso maleeshiyaadka shiicada ah ee taageerada ka hela dowlada Iran oo kamid ah dalalka gacanta militari siinaya Xukuumada Siiriya ee Bashar Al Assad.

Duqeyntan ayaa lagu soo beegay xili la sheegayo in xulafada Maraykanka gaar ahaan Israel, Sacuudiga iyo Imaaraatiga doonayaan in la abuuro dagaal ka dhex qarxan dhankooda iyo dowlada Iran & xulafada ay ku leedahay dalalka Carabta sida Siiriya, Ciraaq, Lubnaan iyo Yemen.

Horseed Media