golis

Biixi: Caalamku Waa Garwaaqsaday in la Joogo Wakhtigii lakala Guri lahaa Somaliya iyo Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay sanadguurdii 28aad ee ka soo wareegtay markii maamulka Somaliland uu gooni isaga taagay Soomaaliya inteeda kale ayaa sheegay in Caalamku garwaaqsaday in la joogo waqtigii la kala guri lahaa Somaliya iyo somaliland.

Wuxuu sheegay in maamulkiisu uu go’aansaday in mushkilada lagu xalliyo si nabad ah iyo wada-hadal, iyago ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh. 

“Dadka maanta Muqdisho ka taliya waxa aannu leenahay intii aad Somaliland gaadhsiiseen dhibaato soddonkii sano ee aynnu midaysnayn waxa ka culus oo nagaga khasaare badan siddeed iyo labaatanka aynnu kala maqnayn ee aad lahaydeen ma xoroobi karaan, ma ictiraafayno iyo waa qayb naga mid ah” ayuu yiri Muuse biixi Cabdi

“Lafta kala bogsatay la iskuma kabo, dadka soddonka sano kala maqnaana wa ayo cidda leh waan isku keenayaa, danta Somaliland iyo Afrika iyo adduunkuba waxa ay ku jirtaa inay labadaas dal noqdaan laba dal oo walaalo ah” ayuu yiri sii raaciyay Muuse Biixi Cabdi

Waxaa uu sheegay in maamulkiisu uu doorbidayo in mushkillada Somaliland iyo Somalia lagu xalliyo wada hadal macno leh oo lagu qabto fagaare caalami ah.

Dhinaca kale, waxaa uu sheegay in baadi-goobka maamulkiisu ugu jiro ictiraafka Somaliland xooggiisa la saari doono dalalka Afrika iyo Golayaasha Afrika.

“Waxaan u caddaynayaa Afrika in Somaliland tahay dal ku dhisan xuduudihii gumaysiga, taas oo waafaqsan Axdiga iyo Sharciga u yaalla Ururka Midowga Afrika, buuxiyeyna dhammaan shuruudihii looga baahnaa in dal jiraa in uu yeesho.”

Xukuumaddu waxa ay qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu dar-dargalinayo xidhiidhka Beesha Caalamka oo dhan. Waxaad la socotaan wufuudda tirada badan iyo diblomaasiyiinta ku soo qul-qulaysa dalkeena. Arrimahaasi waxa ay marag u yihiin dar-dar-galinta iyo xoojinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka Mahdi Guuleed oo waraysi siiyay Goobjoog tv ayaa sheegay in maamulka Muuse Biixi uu lumiyay fursad qaali ah ka dib markii uu diiday in Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiya Axmed iyo Madaxweyne Farmaajo ay tagaan magaaladda Hargaysa, halkaasina laga bilaabo wadahadalada labada dhinac.

HORSEEDMEDIA 2019