golis

Muuse Oo Ku Dhawaaqay Inay Siidaynayaan Maxaabiista ay ka Hayaan Puntland, Dalbadayna Kuwiisa Loo Sii Daayo

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo caawa hadal ka jeediyay munaasibadda lagu soo af-meerayay dabaaldegyadii lagu xusay 18 May ayaa sheegay inuu siidaynayo maxaabiista reer Puntland ee lagu qabtay dagaalkii Tukaraq ee dhexmaray labada dhinac sanadkii hore.

Wuxuu sheegay in Somaliland go’aansatay inay Nabad waarta iyo xasillooni kula nolaato maamulka Puntland

“Puntland waxan ugu baaqayaa waxaannu idiin wadnaa nabad iyo walaaltinimo iyo inaynnu xasillooni ku wada noolaano, waxana aannu rajaynaynaa inaanu khilaaf dambe dhexdeena ka dhicin, waxannu diyaar u nahay oo aannu nabadda ka bilaabaynaa oo aan doonayaa inaan iclaamiyo inaanu diyaar u nahay inaanu sii daynno maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Tukaraq, iyaguna ay soo daayaan wixii ay naga hayaan,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa tiro dhowr jeer ah ku dagaalamay Degmada Tukaraq, markii ciidamada Somaliland ay xoog kula wareegteen 8 janaayo 2018. Boqolaal ciidamo ah oo ay ku jiraan taliyayaal ayaa labada dhinaca kaga dhintay dagaaladaasi.

Hadalka Muuse biixi ka soo yeeray, Weli kama jawaabin Puntland.

HORSEEDMEDIA 2019