golis

Puntland oo ka jawaabtay Hadalkii Wasiir Goodax.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Farmayeeri ayaa sheegay in Imtixaanaadka Puntland ay si habsami leh u socdaan, isla markaana ay maalinkii 1aad kusoo gabagaboobeen si wanaagsan.

” Waxaa si habsami leh u socda imtixaanka shahaadiga Puntland dhamaan xarumihii maantay si guul ah ayey ku soo gaba gabeeyeen maalintii labaad ayaan u gudubnay dhamaan hawl wadeenada iyo ardayda imtixaanka guul ayaan u rajaynayaa ” Ayuu yiri Agaasimuhu.

Warka agaasimaha ayaa kusoo beegmaya saacado ka dib markii Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdilaahi Goodax Bare oo ku sugan Jowhar uu sheegay in imtixaanaadkii Puntland Fashilmeen.