Wasiir Goodax ” Imtixaankii Puntland waa Fashilmay” [DAAWO]

Published: May 18, 2019

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Bare oo maanta gaaray Jowhar ayaa sheegay in uu fashilmay Imtixaankii Puntland oo maanta si rasmiya loo daahfuray, Wasiirka oo difaacaya Fashil hareeyay Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya oo la xiriira Imtixaanaadkii Fashilmay ayaa yiri.

“Imtixaan waa fashilmaa, saacadaan la joogo Puntland imtixaan ay qaadeysay wuu fashilmay” Wasiir Goodax wuxuu c caddeeyay in 104 goobood oo Imtixaankaas laga qaaday uu hal goob ka fashilmay oo ah 1%”

Hadalka Wasiirka ayaa fajac iyo Amakaag ku noqday Shacabka Puntland, Ma jirto inta la ogyahay imtixaan fashilmay oo baahay, Wasaarada Waxbarashada Puntland weli ma aysan sheegin in imtixaankii ay saaka daahfurtay uu fashilmay, halka uu wasiirku hadalkaa kasoo xigtay ayaana la garanayn.

Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa iyadu ka jawaabin hadalka Wasiirka Waxbarashada Somalia Cabdilaahi Goodax Bare.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *