golis

Booliska oo ka hadley qarax ka dhacay Muqdisho

Dhawaaqa qarax aad u culus oo laga maqley meelo badan oo ka tirsan degmooyinka Muqdisho ayaa ka dhacay Muqdisho xiligii anfurka Dad ku dhaw halka qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta gudaha qaarkeed u sheegay in qaraxu uu ahaa gaari bom lagu soo xirey oo ku qarxay agagaarka Hotel Muna iyo Beerta Nabadda .

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Zakiya Xuseen ayaa sheegtey in qaraxu ka dhashey kadib markii gaari noociisu yahay Toyota Noah la soo dhigey dhabarka danbe ee iskaashatada gaagiidka ee degmada Xamar weyne, Sakiya ayaa sheegtey in aysan jirin cid wax ku noqotey gaariga bombka lagu soo xiray ee qarxay.

Zakiya Xuseen waxay sheegtey in loo qabtey laba qof oo looga shakisan yahay in ay wax ka ogaayeen gaariga qarxay, iyo ninkii dreewalka ka ahaa gaariga qarxay.

Horseed Media