golis

Deni oo u Socdaalaya Shiinaha Safarka Galkacayo Ka Dib[ DAAWO]

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku Sugan Magaaladda Galkacayo ayaa sheegay inuu dhawaan u socdaali doono Dalkaasi Shiinaha

Ujeedka safarkiisa shiinaha ayuu ku sheegay inuu la xiriiro mashaariic horumarineed oo ay ka mid tahay Garoonka diyaaradaha Galkacayo oo shiinuhu hore u ballanqaaday inuu dhisayo iyo mashaariic kale oo ka mid tahay Wadada Eyl-Garoowe.

“Safarkeena Chaina aan ku tagayno haduu hirgalo waxyaabaha ugu waaweyn ee aan ka hadlidoono waa mashaariic horumarineed oo qaybta ugu weyn ay Mudug ka leedahay oo ah garoonka diyaaradaha iyo mashriic kale”

“Mashaariicdan waaweyn ee hada socda iyo kuwa imaan doona intaba Insha Alla dedaalka dad weynaha iyo Dowladda oo is kaashaday ayey ku hirgaleen inta qabsoontay inta dhimana intaas ayeey ku hirgeli donaan hadii Alle yiraahdo” Ayuu sii raaciyay Madaxweynuhu

Wuxuu kaloo sheegay in magaaladda Adis-ababa ay ku sugan yihiin wafti uu hoggaaminayo wasiirka ganacsiga Puntland, kuwaasoo kala hadlaya dowladda Itoobiya Kastamka Tuurdibi

“Waxaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa wefti wasiiro ah Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenaka Maaliyadda oo ka soo hadlaya sidii Dowladda Itoobiya iyo Puntland ay uga wadashaqayn lahaayeen Kastamka Tuurdibi, Wasiirka Maaliyaddana dhowr beri ka bacdi ayuu u gudbayaa halkaas si ay dhinaceena heshiisku uga hirgalo mudo ayaan sugaynay waxaan goosanay wada-hadalkiina inaan wadno shaqadiina aan bilowno,

Markii uu xafiiska la wareegay Madaxeynaha Deni, Waxaa magaaladda Garoowe safar shaqo ku yimid Wafi shiinays ah oo uu horkacay Khadar c/raxmaan Faroole, kuwasoo madaxweynaha kala hadlay Mashaariicdii iyo barnaamijyadii ay hore ula galeen xukuumadii C/weli Maxamed Cali Gaas.

Barlamaanka Puntland ayaa labo sanno ka hor, wuxuu meelmariyay Heshiis shidaal iyo macdan baaris ah oo ay wadagaleen xukuumadii hore ee Puntland iyo Shirkado laga leeyahay Wadanka Shiinaha.

HORSEEDMEDIA 2019