golis

Ku-xigeenka Madaxa Midowga Yurub oo Muqdisho Timid

Ku-xigeenka Madaxweynaha Midowga Yurub, ahna madaxa arrimaha dibada iyo Siyaasadda amniga Federica Mogherini ayaa maanta booqasho gaaban ku timid magaaladda Muqdisho, iyadoo la kulantay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Muqdisho kula kulmo kux-igeenka Madaxda Midowga yurub oo uu ku tilmaamay midka ugu muhiimsan saaxiibadda Soomaalida

Glad to receive @FedericaMog, High Rep/VP, @EU_Commission, a key partner for Somalia. Shared with her the exciting progress we have made on all fronts, looking forward to working with EU in 2019 our year of implementation@EU_in_Somalia #NabadIyoNolol#TubahaQaranka pic.twitter.com/6FbL1WQUEi— Hassan Ali Khaire (@HassanAKhaire) May 20, 2019

“Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire wuxuu Maanta kulan miro dhal ah la qaatay wakiilka Sare ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga Midowga Yurub, Marwo Federika Mogherini oo booqasho ku timid Muqdisho. Waxa ay ka wadahadaleen horumarka DFS ay ka sameysay howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla sanadkaan 2019″ Sidaas waxaa lagu yiri qoraal la soo dhigay bartiisa Facebooga

Midowga Yurub waxaa uu malaayiin dollar ku bixiyaa barnaamijyada horumarineed, amniga iyo bani’aadanimo ee ka socda Soomaaliya, waxay kaloo kaalmo, tababaro iyo gacanba siiyaan dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Sidoo kale waxay lacago tiro badan ku bixiyaan howlgalka Midowga Afrikaca ee Amisom ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

HORSEEDMEDIA 2019