golis

Wasaaradda Waxbarashada Federaalka Oo Faafisay Jadwalka Imtixaanka Shahaadiga

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sar ee federaalka ayaa maanta faafisay jadwalka imtixaanaadkaa fasalada 8aad iyo 12 aad dugsiyada dhexe iyo Sare, Jadwalka cusub ayaa bilaabanaya 27 bishan may 2019.

Jadwalka imtixaanka oo bilaabaya maalinta isniinta ah ayaa soconaya muddo 5 maalmood, isagoo soo gabagabaoobay 31 May 2019ka.

Wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Bare ayaa hore u joojiyay imtixaankii shahaadiga ah ee wasaarada kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay maadooyin ka mid ah kuwii imtixaanaadka lagu qaaday. hase yeeshee waxaa arrintaasi ka dhashay mudaharaadyo ballaaran oo ardaydu ka dhigeen Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin ka kale ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sidookale, Madaxweynaha Hirshabelle Awaare ayaa degaanadiisa ka saaray kormeerayaashii imtixaanada, taasi oo dhalisay inay jowhar yimaadaan Wasiirada waxbarashada iyo amniga ee Federaalka.

Imtixaanka Shahaadiga ee wasaaradda waxbarashada federaalka ayaa laga qaada ardayda Maamuladda Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Jubbaland, Galmudug iyo gobolka Banaadir oo xarunta u ah xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

HORSEEDMEDIA 2019