golis

Antonio Guterres oo Ka hadlay Arrimaha Soomaaliya

Xogyahana Guud ee Qaramada midoobay Antonio Guterres oo  maalinimadii shalay warbixin uu siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in isbadalada ka socda dalka Soomaalia ay muujinayaan guulo wax ku ool ah ,hasa yeeshee loo baahan yahay in laga hortago waxyaabaha khatarta galinaya horumarkaasi.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar ku aadan dhismaha dalka iyo hey’adihii dowladnimo oo shaqeynaya,laakiin waxaa haboon in laga howlgalo sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha Argagixisada islmarkaana loo soo afjari lahaa waxaa sidaas  yiri “Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Xoghayuhu wuxuu xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay jireen rabshado kooban oo ay ka dambeeyaan kooxaha caadeystay daadinta dhiiga dadka rayidka ah ,wuxuuna soo jeediyay in loo midoobo ka hortagga kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay Soomaaliya waxaa ka jiray dagaallo sokeeye,kooxo argagixiso ah iyo macluul aad u daran ka dib,waxaa muuqda dib u dhis iyo heyado dowladnimo oo shaqeynaya laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii.

HORSEEDMEDIA 2019