golis

Booliska Kenya oo baaritaan ku sameeyey 5 Xawaaladood

Wax ka yar 24 saac kadib markii dowladda Kiiniya ay u diiday Fiisaha dal ku galka wasiir iyo xildhibaano Soomaaliyeed, ayaa hadana Kiiniya waxay qaaday tallaabo kale oo ay ku ciqaabayso dadka iyo dowladda Soomaliyeed.

Ciidanka amaanka ee Kenya waxay maanta gudaha u galeen oo baaritaano ka sameeyeen 5 xawalaadood oo lahayeen ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah xawaaladahaasi Amal Bank, Taaj iyo kuwo kale.

Go’aanka ay Kiiniya ka qaadatey xawaaladaha Soomaalida ayaa noqonayaa midkii saddexaad ee ay ku tallaabsato saddexdii toddobaad ee u dambeeyay, Kiiniya waxay hore u joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee isaga gooshi jiray Nairobi iyo Muqdisho, waxay kaloo xalay fiisaha dalkugalka u diiday masuuliyiinta barlamaanka iyo xukuumadda Federaalka ee Shirarka ka qaybga magaaladda Nairobi.

Dowladda Federaalku weli kama jawaabin tallaabooyinki u dambeeyay ee ay qaaday dowladda Kiiniya.

Xiisada u dambaysay ee labada wadan u dhaxaysa ayaa bilaabatay kadib markii xukuumadda Federaalka ay magaaladda London ku qabatay Bandhig lagu iibinayay shidaalka ku jira Badda Soomaaliya. Kenyan ay ku eedaysay DF inay iibinayso Ceelal shidaalka oo ku yaal xuduud badeedka u dhexeeya labada wadan oo ay Kenya Sheegaynayso.

Dacwada Muranka badda ee labada wadan ayaa haatan waxay taala maxkamada Caalamiga ee Heugu, waxaana la filayaa in go’aan laga soo saari doono.

HORSEEDEMDIA 2019