golis

Kenya oo Ka Hadashay Sababta ay Fiisaha Ugu Diiday Masuuliyiinta Soomaaliyeed

Madaxa hay’ada socdaalka wadanka Kenya Gilbert Kibe ayaa waraysi uu siiyay wargayska Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi, waxaa uu ku micneeyay sababta loogu diiday dal-ku-galka wasiir iyo xildhibaano ka tirsan barlamaanka Soomaaliya ay la xiriirto arrimo amni

Bidix, Xildhibaan Ilyaas, Wasiir Liibaax iyo Xildhibaan Samsam

Wasiir kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Cusmaan Libaax, Xildhibaan Ilyaas Cali , Samsam Dahir oo ka tirsan Aqalka Sare barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xildhibaano kale ayaa loo diiday Visaha Dal ku galka Keenya lagu siiyo Passport Dimplamaatiga Soomaaliya oo ay wateen.

Saraakiisha Laanta Socdaalka ee Garoonka diyaaradaha Jomo kenyata ayaa u sheegay Masuuliyiinta Soomaalida inay dib ugu laabtaan Magaaladda Muqdisho oo Visaha ka soo qaataan Safaarada Kiiniya ee Muqdisho, halkii markii hore Fiisaha laga siin jiray Garoonka Jomo Kenyata.

Dhinaca kale, Wasiirka qorshaynta dowladda federaalka Jamaal Xasan, Wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abikar iyo La taliyaha qaranka madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah waftiga Soomaalida ayaa loo ogolaaday inay galaan Nairobi, kadib markii ay la soo baxeen Baasaboorada Yurub iyo Canada

Masuuliyiinta loo diiday inay galaan Kenya ayaa maanta ka qaybgalay gali lahaa shir midowga Yurub soo qabanqaabisay oo looga hadli lahaa barnaamij la xiriira khilaafaadka xuduudaha, shirkan ayaa ka dhacayay xarunta qaramada Midoobay ee Nairobi.

Dowladda Federaalka ayaa weli ka jawaabin tallaabada ay kenya qaaday ee ay Fiisaha ugu diiday Masuuliyiinta Soomaaliyeed.

HORSEEDMEDIA 2019