golis

Puntland iyo Galmudug oo Wadajir Uga Horyimid Sharciyada Batroolka iyo Doorashooyinka Federaalka

Shir dhowr saacadood qaatay oo ay xarunta madaxtooyada Puntland ee Galkacayo ku yeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed xooga saaray wadashaqaynta labada maamul ee amniga iyo xasiloonida magaaladda Galkacayo.

Puntland iyo Galmudgu waxay ku heshiiyeen in la dhiso guddi heer wasiir ah oo kawada shaqeeya adkaynta amniga iyo siyaasadda

“ Galmudug iyo Puntland waxay ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba ku wargelinayaan in aysan qayb ka ahayn, waafaqsanaynna sharciyada doorashooyinka, Batroolka iyo xeerka Canshuuraha ee ay dowladda Federaalka gcantakuhayso, ay sanna qayb ka noqono dooniniwxii go’aano masiiri ah ee aan lagu gaarin wadatashi iyo wadar-golo dowladdafederaalka iyo dowlad xubnineedyada.

Puntland iyo Galmudug waxay ka tacsiyeeyaan Dhacdadii 21kii May 2019 ka dhacday tuulada Teerage ee Galbeedka Galkacayo, waxayna go’aamiyeen in is dhasa loo soo afjaro shaqooyinka ka dhaca dhulka miyiga ah.

HORSEEDMEDIA 2019