golis

Wasiirka Waxbarshada Puntlad oo Ka Hadlay Dagaalkii Ka Dhacay Sanaag- DAAWO

Wasiirka waxbarashada Puntland C/laahi Maxamed Xasan ayaa ka hadlay dagaalkii shalay degaanka Damale Xagare ee gobolka Sanaag ku dhexmaray ciidamo uu watay iyo ciidamo ka amar qaata maamulka Soomaaliland.

Wasiirku, wuxuu sheegay in loo diiday inuu degmada Carmala si u soo kormeero arday u fadhiday imtixaanaadka shahaadiga ee Puntland, waxaana uu sheegay in la qabsaday degaankaasi.

“Runtii labo mid bay noo joogsatay, ciidan waa wadanay, Maxkax iyo caqli nagu filan waa wadanay, waxaan isbarbardhigay in meeshaasi dagaal lagu hoobtaa ka dhaco iyo inaan u tudho maatada iyo cauurta” Sidaas waxaa yiri Wasiirka waxbarashada Puntland.

Khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay ayaa dhinaca Puntland waxaa ka dhintay ilaa labo Askari, Halka dhinaca somaliland wararku sheegayaan in 4 Askari ay kaga dhinteen dagaalka.

Wasiirka iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa xalay u hoyday Degmada Dhahar ee gobolka Hayland.

HORSEEDMEDIA 2019