golis

Guriceel: Ismiidaamiye isqarxin lahaa oo laga hortegay [SAWIRRO]

Ciidamada amaanka ee degmadda Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa ka hor tegay nin doonaya inuu isku qarxiyo isu bax dadweyne oo ka dhacayay degmadda.

Qof isku xoo xiray walxaha qarxa ayaa ciidamadu ka soo dhex qabteen shacab tiro badan oo isugu soo baxay inay xusaan maalinta shuhadada Ahlu sunnah wal jamaaca ee ku geeriyootay dagaalkii ay la galeen ururka Alshabaab.

Sawiro laga soo qaaday isu soo baxaya ayaa muujinaya, ciidamo dhulka jiidaya qof iyo walxo qarxa oo ciidamadu ay gacanta ku hayaan. Ninkan ayay wararku sheegayeen inuu doonayay inuu isku qarxiyo qayb loogu talagalay inay fariistaan Saraakiisha Ciidamada, hase yeeshee bambkii uu u shaqayn waayay.

Ururka Ahlu sunna Waljamac oo hadda ka mid ah maamulka Galmudug ayaa dagaal qaraar ku dhexmareen Ururka Alshabaab gobolka Galguduud oo intiisa badan ay maamulaan Ahlu sunna.

HORSEEDMEDIA 2019