golis

Hirshabelle oo Noqotay Maamulkii Labaad ee Ka Horyimaada Habraaca Doorashooyinka MG

Dowladda goboleedka Hirshabelle ayaa noqday maamulkii labaad ee ka horyimaada habraaca doorashooyinka maamul goboleeyada ee ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka.

Wasiirka dastuurka ee Hirshabelle ayaa ka hadlay walaaca ay ka qabaan warqada wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana uu sheegay inay baalmarasan tahay nidaamka federaalka, maamulka wanaagan iyo daadejinta nidaamka Dimoqraadiyada dalka, Waxaa kaloo uu sheegay in go’aanka Dowladda Federaalku uu sidoo kale ku xadgudbayo dastuurka dalka.

Dhinaca kale, Burhaan Maxamed Samatar, wasiirka arrimaha gudaha Galmudug ayaa sheegay inay maamulkoodu ay qaadaceen habraacaas, waxaana uu ayaa in aan lagala tashan go’aanka Wasaaraddu gaartay ee ku saabsan doorashooyinka.

Warsaxafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Federaalka maalintii shalay ayaa lagu faahfaahiyay habraaca doorashooyinka ka dhacaya maamul goboleedyada Dalka, oo ugu soo horreeyaan Jubbaland iyo Galmudug.

HORSEEDMEDIA