golis

Taliye Cusub oo Loo Magaacabay Booliiska Gobolka Mudug

G/Sare Jaamac Maxamed Axmed ayaa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni u magacaabay Taliyaha cusub ee qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland.

Wareegtadan lagu magacaabay taliyaha cusub ayaa u qornayd sidatan:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr. 28 May 25, 2019, ku magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Mar Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland 

Markuu arkay: Aqoontiisa yo khibraddiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:
1.Waxaa G/Sare Jaamac Maxamed Axmed loo magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska ee Gobolka Mudug .

2. Xeerkani waxaa uu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu

HORSEEDMEDIA 2019