golis

Sarkaal Alshabaab U Qaabilsanaa Jubbaland oo Duqayn Lagu Dilay

Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka fuliyeen xarumo muhiim ah oo kooxda Al-Shabaab ay ku leeyihiin  degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Duqayntaas ayaa wararku sheegayaan in lagu Hor-jooge ka tirsan Alshabaab oo magaciisa lagu koobay Maxamed Nuur, kaasi oo ahaa Hogaamiyaha guud ee amniga maleeshiyada Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala deegaanada Maamulka Jubbaland.

Duqeynta ayaa waxaa sidoo kale ku nafwaayay tiro ka mida maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa Hor-joogaha la bartilmaameedsaday.

Wararka ka imaanaya degmada Jilib ayaa sidoo kale sheegaya in ay jirto khasaare intaa ka badan oo gaaray Al-shabaab iyo dadka shicibka ah ee ku nool degaamadaasi

Maraykanka oo gacan siinaya dowladda federaalka iyo Maamulada ayaa kor dhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan Saldhigyada Maleeshiyaadka  Al-Shabaab ay ku leeyihiin Degmooyinka Ka tirsan gobalka koonfurta iyo Puntland.

HORSEEDMEDIA 2019