golis

Somaliland oo Siidaysay 14 Maxbuus oo ay Ku Qabteen Dagaalkii Tukaraq [DAAWO]

Shir Jaraa’id oo uu magaaladda Hargaysa ku qabtay afhayeenka xukuumada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayuu ku sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu cafis u fidiyay Maxaabiis ay ku qabteen dagaalkii degaanka Tukaraq ku dhexmaray Somaliland iyo Puntland.

Afhayeenka Xukuumada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac

Maxaabiistaas oo tiradooda dhan tahay 14, ayaa afhayeenku wuxuu magacyadooda u akhriyay warbaahinta Somaliland, Magacyada maxaabiista ayaa kala ah:

  1. C/naasir Cismaan Cali
  2. Cabdinuur Maxamed Cabdulle
  3. Maxamed Siciid Yuusuf
  4. Cali Faarax Aadan
  5. Maxamed Cabdi Caynab
  6. C/xaafid Cabdullaahi Xalane
  7. Xuseen Siciid Warsame
  8. Cabdinaasir Maxamed Nuur
  9. Maxamed Abshir Aadan
  10. Ibraahim Xasan Salaad
  11. Axmed Maxamed Axmed
  12. Siciid Ducaale Cali
  13. Mahad Nuur Cali
  14. Faarax Maxamed Cabdi

Afhayeenku wuxuu sheegay in madaxweynaha Somaliland oo tixgalinayo Beesha Caalamka, nabada geeska afrika iyo bisha Baraykanysan Ramadaan inuu cafis u fidiyay maxaabiista ay Puntland kaga qabsadeen dagaalkii Tukaraq

Dhinaca kale, Afhayeenku wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha dawladda Federaalka inuu dhibaato ka wado Gobolka Sanaag iyo guud ahaan dhulka Soomaalida.

Halkan ka Daawo Shirka Jaraa’id

Somaliland oo Siidaysay 14 Maxaabuus ay Ku qabteen Dagaalkii Tukaraq. AKHRISO MAGACYADA MAXAABIISTAAS

Posted by Horseed Media on Monday, May 27, 2019

HORSEEDMEDIA 2019