golis

Ciidanka Macawislay oo Dilay Sarkaalkii Alshabaab u Qaabilsanaa Degmada Cadale

Ciidamo degaameedka macawiisleyda ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa howlgal ay sameeyeen waxay ku dileen Sarkaalkii ama Horjoogihii Kooxda Al Shabaab ee Degmadda Cadale ee Gobolka Sh/dhexe. ayaa lagu dilay .

Sarkaalkan Alshabaab  ayaa waxaa lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Xagarey oo 40 KM u jirta Degmada cadale, sida ay warisay wakaalada wararka federaalka ee Sonna

Taliyaha  Macawiisleyda Axmed Dhagey ayaa sheegay in sidoo kale howlgalka ku jileen Seddex Alshabaab kadib weerar kadis ah oo ay ku qaadeen deegaanka Xagarey oo Maleeshiyada Al Shabaab kusugnaayeen

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Macalin Caadey,sidoo kale wararku waxaa xiliga la dilayey la joogay isna ku xigeenkiisii oo dhaawac ka soo gaaray dagaalkaasi, kadibna dhinaca miyiga u baxsaday

Sidoo kale waxaa Ciidanka Macawiisleyda howlgalkaas Al Shabaab kaga soo furteen qoryo iyo rasaastii ay heysteen.

Deegaanka lagu magacaabo Xagarey oo hoos yimaada degmadqa Cadale ayaa waxaa halkaas xarun kula lahaa kooxda Alshabaab, iyadoona Weerarka lagu qaaday gabi ahaanba lagu soo burburiyey xaruntii ay halkaas ku lahaayeen.

“Shalay galinkii danbe abaaro 5:00-kii ayaan weerar gaadmo ah ku qaadnay deegaanka Xagarey oo xarun ah Al Shabaab waxaana halkaas ku dilnay ninkii u qaabilsanaa Cadale iyo Seddex kale oo la socotay, waxaa isoo suurto gashay in aan kasoo furano quri AK47 AH iyo Rasaas badan, waxaan helnay xog u saabsan in halkaas ku dhibaateen dadka shacabka ah, Allah mahadi dhankeena wax nasoo gaaray majiro”ayuu yiri  Axmed Dhagey oo ah Taliyaha Macawiisleyda

Macawiisleyda ayaa ah ciidamo ay dadka degaanku u samaysteen inay kaga hortegaan Ururka Alshabaab oo sheegeen inay dhibaato badan ka gaysteen gobolka Shabeeleda Dhexe ee xaruntiisu tahay Jowhar, halkaasi oo caasimad u ah maamulka Hirshabelle

HORSEEDMEDIA 2019