golis

Gabar Dhalinyaro ah oo Lagu Dilay Galkacayo

Nimco Cumar Shire “Xuur” oo da’deeda lagu qiyaasay 22 sanno jir ayaa u geeriyootay Toorey dhuunta laga galiyay, sida ay xaqiiijiyeen qaar ka mid ah dhakhaatiirta isbitaalka dowladda Gaalkacyo.

Alle naxariistii janno ha siiye, Nimco ayaa xiliga la dilay waxay ka soo baxday Masjid ay ku soo oogtay Salaadii Taraawiixda, ayna u socday hoyga ay ka degan tahay xaafada Garsoor ee Magaaladda Galkacayo.

Ciidamada booliiska Galkacayo ayaa bilaabay baaritaan ay ku samaynayaan dilka Nimco iyo cidda ka dambaysay. sidoo kale xog faahfaasan lagama hayo dadka ka dambeeyay dilka iyo sababtay ay u dileen Nimco.

Dhinaca kale, Magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari waxaa ka dhacay Dil loo gaystay askari ka tirsanaa ciidamada amniga Puntland. Askariga ayaa lagu dilay wadada bartanaha, gaar ahaan dowaldda Hoose ee degmadda Bosaso.

HORSEEDMEDIA 2019