golis

Kenya oo Garoomadeeda Ka Mamnuucday Alaabaha aan Cidi Wadanin ee Soomaaliya ka imaanaya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan ogolaan doonin in garoomadeed diyaaradeed ay soo dhaafaan alaabaha ama boorsooyinka aan cidina wadanin ee ay soo qaadaan diyaaradaha ka imaanaya Soomaaliya.

Qoraal ay dowladu soo saartay Talaadadii ayay ku sheegtay inay la wareegi doonaan, kadibna burburin doonaan alaabaha aan qof wehelin ee laga keenayo Soomaaliya, sida uu qabo sharciga Daabulka hawada.

Keynya waxay ku sheegtay sababta ay u qaadeen tallabaadi inay la xiriirto amniga Garoomadeeda.

Dhinaca kale, Dowladda Kiiniya waxay mar kale ku celisay in aan dalkeeda loo diidin masuuliyiinta dowladda federaalka iy Muwaadintii Soomaalida ee u soo safraya Kiiniya ee wata Fiisaha dal ku galka. Waxaa kaloo ay sheegtay in Kenya ay sii wadi doonto martigalinta shirarka caalamiga ee lagu qabto Magaaladda Nairobi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in Shirarka khuseeya arrimaha Soomaaliya ama arrimaha gobolka loo wareejiyo wadamada kale ee deriska ama lagu qabto Soomaaliya.

HORSEEDMEDIA