golis

Madaxweyne Farmaajo oo Magaalada Maka Kaga Qaybgalaya Shirka IOC

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo u kicitimay magaalada barakaysan ee Makka halkaasi oo kaga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC).

Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta

Wafdiga Madaxweynaha ee u amba-baxay magaalada barakaysan ee Makka waxaa ka sii horeeyay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad oo la qaabeeyey ajandeyaasha shirarkan Wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta iyo kuwa Ururka Iskaashiga Islaamka.

HORSEEDMEDIA 2019